Duqa Muqdisho oo Hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidda+sawiro

0
108

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahn duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar kamid goobaha taariikhiga ah sida Taalada Daljirka Dahsoon iyo Taalada Dhagaxtuur oo ay Dowlada hoose ee Xamar ku sameysay dib u casriyeen balaaran, si bulshada caasimadda ay ugu dalxiisaan maalmaha dabaaldaga munaasadda Ciiddul Fidriga.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa Hambalyo ku aaddan Ciiddul Fidriga u diray Ummada Islaamka gaar Ummada Soomaaliyeed, qaasatan Shacabka Caasimadda ee u dabbaal-degaya farxadda ciidda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Amniga ee u istaagay sugida amniga caasimadda iyagoo naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Kormeerka waxaa Guddoomiyaha ku wehliyey saraakiil Ka tirsan ciidanka booliiska Soomaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here