Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dardar-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa waxaa warbixin looga dhageystay taliyeyaasha qaybta guud ee booliiska iyo Nabad-sugidda Gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidanka Police Millitariyo, kuwaas oo ka warbixiyay xaalada guud ee Amniga Caasimadda.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa kula dardaarmay saraakiisha laamaha amniga in xoogga la saaro dardar-gelinta amniga Caasimadda, lagana hor-tago fal kasta oo wax u dhimi kara amniga ay ku naaloonayaan shacabka Gobolka Banaadir.














