Guddoomiye Madaale oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Agaaaimaha Hay’adda WFP ee Soomaaliya: SAWIRRO

0
118

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay agaasimaha hay’adda cuntada adduunka WFP ee Soomaaliya, mudane El-Khidir Daloum.

Shirka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac, xoojinta mashaariicda ay hay’adda WFP ka wado gobolka Banaadir iyo qorshayaasha lagu horumarinayo dhinacyada kalluumaysiga, farsamadda gacanta, beeraha iyo ilaalinta bulshadda.

Ugu dambeyn, Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada iyo wacyigelinta, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, madaxa xiirirka WFP Sara Cuevas, isku duwaha mashaariicaha Maxamed Gimbe iyo madaxa barnaamijka nafaqeynta Koofurta iyo Bartamaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here