Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabaynayay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku jooga dalka Tansaniya ayaa soo booqday Jasiiradda Sinsibaar oo ka mid ah deegaannada xiriirka taariikhiga ah uu kala dhexeeyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha dowlada Sinsibaar, mudane Hussein Mwinyi ayaa uga tacsiyeeyay geerida Aabahii madaxweynihii hore dalka Tasaaniya Ali Hassan Mwinyi.
Sidoo kale, Waxaa kulanka looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin taariikhda iyo xiriirka ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha ku dhaqan Sinsibaar iyo iskaashiga arrimaha dalxiiska oo Jasiirrada Sinsibaar ku tilmaaman tahay.














