Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kulan qado sharaf iyo dhiirri-gelin ah la qaatay ciidanka booliiska ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad.
Munaasabadda oo inteeda badan ahayd dhiirri-gelin iyo dar-daaran ku aaddan sugidda amniga iyo la-dagaallanka Khawaarijta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee maamulka G/Banaadir, taiyaha qaybta guud ee boliska gobolka Banaadir, saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay Turkiga ee ku sugan Muqdisho iyo marti-sharaf kale.
Gunaanadkii, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taiyaha booliska ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku hawlanaa kulammo ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee ciidamada si loo dar-dargeliyo amniga Caasimadda, isla markaana loogu diyaar-garoobo bisha barakeysan ee Ramadaan.




























