Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray dhismayaal casri ah oo uu Bangiga (Premier Bank) ka hirgeliyay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Premier Bank doorka uu ka qaadanaya dib-u-casriyeynta Caasimadda iyo in uu ku dhiirrado maalgashiga dalka, taasi oo ah mid dunida tusaysa horumarka iyo isbeddelka amni ee ka jira Muqdisho.
Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, madaxda Bangiga, guddoomiyaha degmada Wadajir iyo marti sharaf kale.























































