GUDDOOMIYE MUUNGAAB: Shacabka Caasimadda waxaa ka codsanayaa inay igu garab-siiyaan shaqada la ii igmaday: SAWIRRO

0
107

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa uga mahad-celiyay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud in uu mar kale u soo magacaabay hoggaanka Gobolka Banaadir, isaga oo bulshada ku nool caasimadda ka codsaday in ay ku garabsiiyaan sidii looga wada-shaqayn lahaa horumarka caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ay bulshada caasimaddu ku soo dhawaynayeen magacaabista, isla markaana ay madaxweynaha Qaranka uga mahad-naqayeen go’aanka uu dib xafiiska gobalka ugu soo celiyay guddoomiye Muungaab oo lagu tilmaamay hoggaan ku soo beegmay waqti caasimaddu u baahan tahay wax-tarka iyo waaya-aragnimadiisa hore loogu bartay.

Mudane Xasan Muungaab ayaa ka hadlay mudnaanta iyo muhiimadda maamulkiisu uu siinayo qorshayaasha heer Qaran iyo kuwa heer gobal ee hortebinta leh sida; doorashadaqof iyo cod ah, la-dagaallanka argagaxisada, horumarinta waxbarashada iyo adeegyada guud, dardar-gelinta nadaafadda iyo bilicda, dhismaha waddooyinka, bullaacadaha iyo kaabayaasha muhiimka ah iyo hubinta caddaaladda, sinnaanta iyo Isla-xisaabtanka maamulka ee dhanka adeegyada la bixiyo oo ay ku jiraan shirkadaha qandaraasyada ku qaata dhismaha waddooyinka.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in loo soo wada baxo is-diiwaan-gelinta doorashada, taas oo uu sheegay in ay tahay mid damaanadqaadi doonta xuquuqda ay dadka ku dooranayaan madaxdii suuro-gelin lahayd in maamulka gobalka Banaadir uu helo maqaam iyo matalaad uu ku fariisto miiska lagu go’aamiyo talada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here