Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaanay Guddiga Aaska Qaran ee Wasiiraddii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Somalia, Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta ku geeriyootay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Xubnaha guddigan waxaa ku jira Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana ay ka kooban yihiin 10 xubnood, kuwaas oo kala ah;
1. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka; mudane Saalax Axmed Jaamac. – Guddoomiye
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka, mudane Axmed Macallin Fiqi. Xubin
3. Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallin – Xubin
4. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, musane Daa’uud Aweys – Xubin
5. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, mudane C/risaaq Cumar Maxamed – Xubin
6. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Jen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) – Xubin
7. Wasiiru dowlaha Amniga gudaha, mudane Maxamed Cali Xagaa – Xubin
8. Wasiir u dowlaha Hawlaha Guud, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) – Xubin
9. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin – Xubin
10. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) – Xubin
Ugu dambeyn, Guddiga ayaa lagu wadaa in ay shaaciyaan xilliga uu dhici doono aaska Qaran ee marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye oo u geeriyootay xanuun kadis ah oo ku soo booday iyadoo ku sugan Jabuuti.













