Guddomiye Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir oo daahfurtay tababar/Sawiro.

0
13

Guddomiye xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta daahfurtay tababarka Waxbarashada Madaniga iyo wacyigalinta dadweynaha.

Waxaa kulankaani ka soo qaybgalay mas’uuliyiin isugu jira agaaismayaal guud, Agaaisme waaxeedyo, Guddomiye xigeenada arrimaha bulshada degmooyinka, bahda warbaahinta madaxa banaan iyo bulshada rayidka.

Tababarkaan ayaa Waxaa fududeynaya machadka Dawladda Hoose ee Muqdisho Waxaa uuna socon doonaa muddo laba maalin ah.

Waxaa diiradda lagu saari doonaa ka qaybgalka madaniga ah ee hanaanka iyo go’aangaarista dawladeed, islaxisaabtanka, maamul wanaagga, hogaaminta iyo waajibaadka & Xuquuqda muwaadiniinta.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waayadaan xooga saarayay wacyigalinta madaniga ah, kor u qaadista islaxisaabtanka iyo daahfurnaanta hawlaha shaqo ee Maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here