Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay munaasabadda maalinta Midowga Yurub ayaa kaga mahad-celiyay taageeradooda joogtada ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo mowqifka cad ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Somalia.
Madaxweyne Xasan ayaa la wadaagay danjireyaasha iyo mas’uuliyiinta kale ee munaasabadda ka qayb-galay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee xaqiijinta Soomaaliya ammaan ah, xor ka ah argagixisada, isku filan isla markaana ay ka qabsoomaan doorashooyin dimuquraaddi ah.














