Agaasimaha Caafimaad maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxman Axmed Maxamuud ayaa maanta booqday xarumaha hooyada iyo dhallaanka (MCH) ee Degmada Kaxda.
Xarumaha uu tagay agaasime C/raxmaan ayaa waxa uu kula kulmay mas’uuliyiinta xarumahaas, waxa uuna ka dhagaystay warbixinnada MCH-yada.
Ugu dambeyn, Agaasime Cabdiraxmaan ayaa ballan-qaaday inuu wax badan ka qaban doono baahiyaha Caafimaad ee ka jira xarumaha caafimaadka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.















