Guddoomiye Yabooh oo Xilka u kala wareejiyay Guddoomiyihii hore ee Degmada Kaaraan iyo Guddoomiyaha Cusub: SAWIRRO

0
371

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta xilka u kala wareejiyay guddoomihii hore ee Ddegmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir Kaaraan) iyo guddoomiyaha cusub ee degmadaas, mudane Faarax Caddaani Maxamed.

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan waxaa kasoo qayb-galay, xubno ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, siyaasiyiin, odayaal-dhaqan iyo qaybaha kala gedisan ee bulshada degmada Kaaraan.

Guddoomiye Yabooh ayaa ugu mahad-celiyay guddoomiyihii hore ee degmada Kaaraan, mudane Abshir Kaaraan shaqadii uu kasoo qabtay degmada, waxa uuna guddoomiyaha cusub Rabbi ugu baryay in uu xilka la garab-galo, wuxuuna maamulka iyo qaybaha bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here