Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, halkaas oo ay maanta ka dhacayso munaasabad si rasmi ah ee lagu saxiixayo ka mid noqoshada Somalia ee dalladda bulshada Bariga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalin ka hor uga qaybgalay dalka Mareykanka shirweyne Soomaaliya looga cafiyay dayn gaaraysa 5.2-Bilyan Doollar oo Caalamku uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo dhabbaha u xaaraysa in wixii hadda ka dambeeya uu macaamil joogto ah dhexmari karo JFS iyo Hay’adaha dhawaalaha Dunida.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Uganda ayaa imaanaya iyadoo 24-kii bishii November ee sanadkan ay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay daladda bulshada Bariga Afrika, taasoo Soomaaliya uga dhigan inay ku tallaabsaday guuli ay ugu baahin karto wax-soo-saarkeeda iyo ganacsigeeda dalalka ku mideysan AEC, weliba iyadoo uu jir canshuur dhaaf aan xad lahayn.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilhii ugu dambeeyay sanadkan ku guuleystay saddex shaqo oo waaweyn oo kala ah: Ku biirista dalada bulshada Bariga Afrika ee EAC-da, cuna-qabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya 31-sano kaddib iyo in Soomaaliya laga cafiyo dayn ay qabtay muddo 60-sano ka badan.














