Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Haweenka ka shaqeeya Amniga: SAWIRRO

0
254

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula kulmay haweenka ka shaqeeya Amniga iyo Taakuleynta ciidanka Qaranka.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahayd taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Somalia, Jeneraal Zakiya Xuseen iyo xubno ka tirsan haweenka ku jira baarlamanka, ayaa loogu hadlay sidii loo taageeri lahaa ciidamada xooga dalka iyo doorka haweenka ee la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Haweenka Soomaaliyeed oo ka jawaabaya baaqii madaxweynaha JFS ee ku aadanaa garab-istaaga ciidamada Qaranka ayaa ku dhawaaqay ololaha Hooyo u Hiili Qaranka, kaasoo ay ku mideysan yihiin dhammaan Haweenka Soomaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here