Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Aqalka Sare ka bilaabay diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Guddiga ayaa diiwaangeliyay musharrixii ugu horreeyay oo noqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isaga oo buuxiyay shuruudaha musharraxnimo, isla markaana uu qaatay Shahaadada musharraxnimo.
Waxeyna kala yihiin
1- Musharrax Shariif Shiikh Axmed
2- Musharrax Daahir Maxamuud Geelle.
3- Musharrax Xasan Cali Kheyre
4- Musharrax C/qaadir Cosoble Cali
5- Musharrax Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)
6- Musharrax C/laahi Cali Xasan
7- Musharrax C/Nuur Shiikh Maxamed
8- Musharrax C/raxmaan Cabdishakuur
9- Musharrax C/Kariim Xuseen Guuled
10- Musharrax C/raxmaan Ablaal
Guddiga ayaa diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha wadi doona ilaa 10-ka Bishaan, waxaana jira musharrixiin farabadan oo dalka dibaddiisa ku maqan.
Musharrixiin farabadan ayaa kusii qul qulaya xarunta Aqalka Sare, si ay isku diiwaangeliyaan, waxaana Musharrax madaxweyne kasta uu isku diiwaangelinayaa lacag dhan 40,000 oo Dollar.













