Dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta saxiixday hab-maamuuska IGAD ee isku socodka aan xadka lahayn ama xorta ah iyo deggenaanshaha sideedda dal ee geeska Afrika, kaasoo kor u qaadaya is-dhexgalka gobolka iyo Iskaashiga horumarka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya, mudane Isak Mursal, Wasiir Xigeenka Wasaaradda Gaashandhigga, Mudane Abdifitaah Qaasim, qaar ka mid ah Xildhibaannada Labada Gole ee Aqalka Sare, Golaha Shacabka, Madaxda Urur Gobalada IGAD iyo Martisharaf kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada saxiixa.
Munaasabada ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo fursada badan siinayo muwaaaddinka, Sida; Ganacsiga, Waxbarashada Caafimaadka iyo kobacinta Dhaqaalaha geeska Africa.
Ugu dambeyn, fulintiisa iyo fududenta sidii uu ku noqon lahaa mir-dhal ayaa la guda geli doonaa, si loo xoojiyo amniga Gobalka iyo fursada jira ee ay tahay in laga faa’ iideysto.















