Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabadda Somali Night Awards oo abaal-marinno lagu guddoonsiinayay shirkado, ganacsiyo iyo shaqsiyaad horumarro iyo sumcad ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.
Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay fikirka quruxda badan oo ay la yimaadeen dhallinyarada iyo asaasayaasha Somali Night Awards, waxa uuna gudoomay billad sharaf loo gartay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana lagu dhiirri-gelinayay maamul wanaaga iyo horumarka Caasimadda.
Ugu dambeyn, Madasha waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, ganacsato iyo marti sharaf kale.





























































