Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yaboo) ayaa xarunta gobolka Banaadir kulan kula qaatay maareeyahaya hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta Qaranka, Mudane Abdiweli Timacade.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-xogwareysi iyo u diyaar-garawga shirwaynaha iyo daahfurka kaarka aqoonsiga oo16-ka bishan September ka qabsoomaya magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta Qaranka Iyo Gobolka Banaadir.

























