Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir-u-dowlaha Cadaaladda ee Dalka Sweden: SAWIRRO

0
375

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiir-u-dowladaha wasaaradda caddaaladda ee dalka Sweden, Anders Hall waxa ayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey in ay gacan ka geysato dadaallada xukuumadda #DanQaran ee la xiriira horumarinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Dhankiisa, Wasiir-u-dowlaha wasaaradda caddaaladda Sweden, Anders Hall, ayaa ku ammaanay Dowladda Somalia horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga iyo caddaalada, gaar ahaan dadaalladeeda la xiriira ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo Soomaaaliya xasilloon oo ka caaggan argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here