Magaalada Tokyo ee dalka Japan waxaa tababar muddo socday ugu soo xirmay guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, marwo Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) iyo xubno ka socday degmooyinka maamul-gboleedyada dalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Tababarkan oo lagu baranayay hannaanka dowlad-wanaagga iyo qaabka Dowladaha Hoose ay u shaqeeyaan ayaa waxaa qaybtiisa danbe diiradda lagu saaray saarayay; ka hortagga khataraha, maareynta musiibooyinka, horumarinta bulshada, iskaashiga shacabka iyo dowlada, shaqo u abuuridda dadka ay dhibaatooyinka saameeyeen iyo sidii dib u dajin xal-waara ah loogu heli lahaa dadka ay dhibaatooyinkaas saameeyaan.
Wafuudda Soomaalida ayaa inta uu tababarka socday waxa ay booqasho ku tageen magaalooyinka Hiroshima, Sandia iyo Higashohirashima oo ah magaalooyin soo maray dhibaatooyin xooggan, balse kasoo kabtay, waxaa ayna la kulmeen maayarrada iyo madaxda golaha deegaanka degmooyinkaas.





















