Duqeyn lagu burburiyay xarun Warbaahin ay maamuleysay Al-shabaaba

0
642

Howlgalka Milateriga Mareykanka ee Afrika (ARFICOM) ayaa lagu soo waramayaa in duqeymo xoogan dhanka cirka ay fuliyeen deegaanka Kuunya-Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in duqaynta lala beegsaday, xarun warbaahineed oo Al-shabaab degaanka ku lahaayen, taas oo gebi ahaanba burburtay, ismarkaana hawada ay ka maqan tahay.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay marka ay duqeynta bilaabay ay soo wajahday cabsi iyo qalqal, iyagoo mar qura  ku soo baraarugay jug xoogan aysan garaneyn meesha ay ka dhacday, balse ay saaka ogaaden.

Maraynkanka iyo Al-shabaab, midkoodna weli kama hadlin duqaynta lagu burburiyay xaruntii Idaacadda Al-shabaab ee tuulada Kuunya-Barrow ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Duqayntan waxay noqonaysa tii u horraysay oo sannadkan cusub ee 2021 Ciidamada Maraykanku ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ku beegsadaan Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here