Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa sheegay in ay dowladdiisu ay diyaar u tahay in Soomaaliya laga cirib-tiro khawaarijta, si nabadgelyo loogu soo dabaalo dalka Soomaaliya ee barwaaqo-sooranka ah.
Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladdiiu ay qayb ka tahay taageerada iyo tababarida ciidanka Soomaaliyeed iyo arrimaha xasilinta amniga.
“Waxaan diyaar u nahay in la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah, si nabadgeliyo looga sameeyo dalkaan Soomaaliya ee barwaaqo-sooranka ah,” ayuu yiri Pekka Haavisto.
Wasiirku waxa uu sheegay inay muhiim tahay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo meelaha harsan in laga hirgeliyo adeegyo aasaasi ah, sida wax barashada, caafimaadka iyo kuwo kale oo muhiim ah, waanan ka qeyb qaadan doonnaa.
Wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto ayaa walaac ka muujiyay falalka burcadnimo ee khawaarijta u geysanayaan bulshada, dhaca hantida dadka, sida ganacsatada, kuwa muruqmaalka ah iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday in door wacan ka qaadan doonaan olole kasta oo ka dhan ah falalka gurracan ee argagixisada ay ka dhex geysanayaan bulshada.













