Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay magalaada Riyaad ee Sucuudiga oo uga qaybgalayo Shirka Carabta

0
283

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, isagoo ku sii jeeda caasimadda boqortooyada Sacuudiga ee Riyadh, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, kadibna uu halkaasi ku galey qaliin yar oo dhanka garabka looga sameeyay, isla markaana uu sii wanaaagsan uga bogsadey qaliinkaasi yar ee caafimaad ee uu marey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi kadib si rasmi ah ugu soo laabanaya dalka si uu u guto waajibaadkiisa shaqo oo ay ugu horeyso dagaalka dalka looga xorreynayo argagixisada Khawaarijta Al Shabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here