Guddoomiye Madaale oo ku Qaabilay Aqalka Dowladda Hoose Xildhibaan Maxamed Caddoow ooka tirsan Baarlamanka Kenya: SAWIRRO

0
289

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay xildhibaan Maxamed Caddoow oo ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya, kaas oo maalamahan booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Caddow oo ay wehliyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia, ayaa waxa uu Duqa Muqdisho ugu mahad-celiyay soo dhaweynta diirran ee loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo warbixin la xariirta horumarrada ka jira caasimadda dalka ka dhageystay Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Madaale ayaa ku amaanay xildhibaanka doorka uu kaga jiro siyaasadda dalka Kenya iyo matalaaddiisa gobolka uu kasoo jeedo, isagoo dhinaca kale ugu baaqay in uu ka shaqeeyo isku xirka dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here