Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) wasiirro, safiirka dowladda Qatar u jooga Somalia iyo xubno kale ayaa kormeer lagu dardar-gelinaayo dhammeystirka wajiga 3-aad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ku tagay degmada Balcad.
Waddadan ayaa lagu guuleystay dhismaha wejiyadeedii 1-aad iyo 2-aad, iyada oo ay hadda si fudud uu ganacsiga ugu kala gudbo Gobolka Banaadir iyo Hirshabelle.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah. Isla markaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Qatar ee maal-gelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaas oo u huray naftooda.
Ugu dambeyn, Waxa uu Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay kooxaha argagixisada ah, isla markaana la xaqiijiyay guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maal-gashi, si loo helo maalgashigana ay lagama maarmaan tahay in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada.































