Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay madaxa xafiiska hay’adda ICRC ee Soomaaliya, mudane Antoine Grand.
Duqa Muqdisho iyo madaxa hay’adda ICRC ayaa ka wadahadlay dardar-gelinta shaqooyinka iyo mashaariicyada horumarineed oo ay ICRC ka fuliso magaalada Muqdisho iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca gobolka Banaadir, iyadoo la isla qaatay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahad-celiyay hay’adda ICRC iyo Bisha Cas doorka ay ka qaataan howlaha bini’aadamnimada, taageerida dhinacyada caafimaadka iyo fulinta mashaariicyada horumarineed.














