Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay maamulka isbitaalka takhasusiga ah ee Redsea iyo dhakhaatiirtii fuliyay ololaha qaliimada iyo daweynta caruurta ku dhalatay daloollada wadnaha, kaasoo ay iska kaashadeen hay’adda samafalka ee Madaale Foundation iyo isbitaalka Redsea.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay Dr. Hassan Mohamed Nuur, agaasimaha guud ee isbitaalka Redsea doorka uu ka qaatay taaba-gelinta mashruucan oo ay hay’adda Madaale Foundation ugu tala-gashay in loogu faa’iideeyo carruurta la dhiban xanuunka daloolada wadnaha.
Sidoo kale, waxa uu u mahadceliyay Dr. Hussiyn Bektaş oo ku taqasusay qaliimada iyo daweynta wadnaha iyo Prof. Christine Awuor oo ku taqasusay qaliimada xirista daloollada wadnaha carruurta, ahna bare ka tirsan Jaamacadda Nairobi University, iyo dhammaan dhakhaatiirta ka qayb-qaatay qaliimada guuleystay ee lagu sameeyay carruurta la dhibanaa xanuunka daloollada wadnaha.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa ololahan ka daah-furay isbitaalka Redsea taariikhda markii ay ahayd 05-tii bishii May, 2024, waxaana ka faa’ideystay tobonnaan carruur ah oo ku dhashay xanuunka daloolka wadnaha.















