Sawirro: Agaasinka Guud ee Qorsheynta Maamulka Gobolka Banaadir oo Qabtay Shir looga hadlayay Horumarinta Dhaqaalaha

0
345

Shirka xiriirinta barnaamijka horumarinta dhaqaalaha maxalliga ah ee isku dhafan ayaa Talaadadii ku qabsoomay Muqdisho, kaaso uu soo agaasimay agaasinka guud ee Qorshaynta Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid la qabto saddexdii bilood-ba mar ayaa waxaa ka qaybgala waaxaha ay khuseeyso ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dhanka kale wakiilo ka socdo hay’adaha caalamiga ah ee fuliya hawlaha mashaariicda barnaamijkan.

Waxaa looga hadlay shirka mashaariicda kala duwan ee barnaamijka horumarinta dhaqaalaha uu taageero Midowga Yurub, sida shaqo-abuurka dhallinyarada, dhismaha suuqyada, horumarinta kalluumaysiga iyo kobcinta/maalgalinta ganacsiyada yar-yar oo dhammaan laga fuliyo Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa dhanka kale lagu soo bandhigay qorshaha isku dhafan ee horumarinta dhaqaalaha ee maamulka Gobolka Banaadir oo dib u eegis lagu sameeyay, iyadoo muddadiisa la gaarsiiyay illaa sannadka 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here