Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la xayiray Akoono cusub oo lacago badan loo marinayey Khawaarijta, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda.
War-saxaafadeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo baxay maanta ayaa u qornaa sidan:
“Iyada oo laga duulayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lana dhaqan-gelinaayo sharciga ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada, waxa ay dowladda federaalla Soomaaliya ku guuleysatay in ay xayirto lacag gaaraysa Todobo Milyan oo doollarka Mareykanka ah; ($ 7 Milyan), sidoo kalena waxa ay xirtay 670 lambarro taleefoon ah iyo 110 akoonno ganacsi ah (Merchant Accounts) oo ay kooxaha Khawaarijta u adeegsan jireen handadaadda, ururinta iyo keydinta lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed.
Dowladda Somalia waxaa ka go’an inay sii wado dagaalka curyaaminta maaliyadeed ee ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna uga mahad-celinaysaaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed sida joogtada ah ee ay ula shaqeeyaan DFS.
Sidoo kale, Dowladda Somalia waxa ay ka codsanaysaa muwaadin kasta oo la kulma dhaqdhaqaaq maaliyadeed oo Khawaarijtu ay leedahay in uu deg-deg ugu wargeliyo hay’adaha maaliyadda iyo kuwa amniga si tallaabo looga qaado.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia waxa ay uga digeysaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada in aysan ogolaanin in ay bixiyaan lacagaha baadda ah oo Khawaarijtu ay u adeegsadaan in ay ku dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed.”













