Ra’iisul Wasaare Xamse oo Magaalada Seoul kula kulmay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Kuuriya: SAWIRRO

0
326

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Soomaaliya ku taamayso.

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka warramay muhiimadda uu dalkeennu u leeyahay is-beddelka dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 30 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Dhinaciisa, Madaxa hay’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here