Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir ayaa xalay socod dheer ku maray qaar ka mid ah waddooyinka Muqdishox si uu ugu kuur-galo xaaladda amni ee Caasimadda.
Duqa Muqdisho ayaa inta uu socodkiisa ku jiray waxa uu mid-mid u wareystay qaar ka mid ah shacabka iyo wadayaasha Mooto Bajaajta, isagoo ku boorriyay in laga wada qeyb-qaato sugidda amniga Caasimadda, la-dagaallanka garan-waaga iyo in lala shaqeeyo laamaha amniga iyo ciidamada xogoga dalka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
Guddoomiyaha Degmada Kaxda Mudane Cabdullaahi Sheekh ayaa yiri: “Khawaarij kulama aysan dhalan wax ma wadaagtaan, isir ma wadaagtaan, Islaamnimo ma wadaagtaan; waa shayaadiin qof welibana ha ka qaybqaato sida uu ula dagaallami lahaa”.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Mudane Axmed Cabdulle ayaa isna yiri: “Dalkaan waa lagu kala bixi doonnaa, Khawaarij waa laga guuleysanayaa”.
Ugu dambeyn, Guddoomiyeyaasha Warta Nabadda iyo Cabdulcasiis, Saynab Xaabsey iyo Roodo Cabdi ayaa dhankooda sheegay in dagaalka Khawaarijta laga wada-qaybqaato si laga isaga xoreeyo.




























