Guddiga Gurmadka Maamulka G/Banadir Oo Booqday Isbitaalka Madiina+Sawiro

0
15

Guddoomiyaha gudiga gurmadka heer gobol ahna Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) iyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jaketti oo ay wehliyaan agaasimayaal katirsan Dowlada Hoose ee Xamar, qaar kamid Guddoomiyaasha degmooyinka iyo Guddoomiyaha Dhalinyarada gobolka ayaa booqday Hospital Madiina oo kamid xarumihii la geeyay dadkii ay wax yeelada kasoo gaartay qaraxii ay Argagixisada ku. xasuuqeen shacabkii ku sugnaa isgooska Soobe.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa shirkada Shidaalka ee Haas kala wareegtay 3-booyadood oo shidaal ah oo loogu talagalay xarumaha Caafimaad ee la geeyay dhaawacyadii Soobe, sidoo kale waxa ay goobta kula hadleen boqolaal dadweyna ah oo kasoo jawaabay baaqii la xariiray gurmadka Wallaalaha Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay xasuuqii ay Khawaarijta ka geesteen Isgooska Soobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here