Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay kulan looga tashanaayo mukhaadaradka iyo Sugida Amniga oo lagu qabtay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka Wadajir in ay ka shaqeyaan Amniga Degmadoda si ay u helaan Nabad iyo xasilooni
sido kale wuxuu kula dardaarmay in ay caruurtoda ka celiyaan waxyabaha maanka dooriya oo malmahaan kusoo badanaya Magaalada Muqdisho














