Soomaaliya oo Qayb ka ah Shirka Qaramada Midoobay ee Noolaha kala duwan oo ka socda Dalka Colombia: SAWIRRO

0
192

Intii uu socday shirweynaha 16-aad ee noolaha kala duwan(COP16), waxaa 28 iyo 29 bishan October 2024 lagu dhex-qabtay shirka Qaramada Midoobay ee noolaha kala duwan (UN biodiversity Conference).

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeyn ku dhawaad 15 madaxweyne, 114 wasiiro, dublamaasiyiin caalami ah, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo wakiillo ka kala socday dowladaha xubanaha ka ah heshiiska noolaha kala duwan ee Qaramada Midoobey (UNCBD) ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Cali ee dalka Colombia.

Mudane Cabdirashiid Cartan oo ah la taliyaha sare ee arrimaha noolaha kala duwan ee wasaradda deegaanka iyo isbedelka Cimilada Soomaaliya ayaa gabagabadii shirka khudbad uu ka jeediyay kusoo badhingay warbixinno dhinacyo badan taabanaysay oo iftiimisay horumarrada laga sameeyay diyaarinta iyo gudbinta hannaanka yoolalka noolaha kala duwan (National biodiversity Targets), taasoo la jaanqaadaysa yoolalka heer caalami ee nolaha kala duwan ee adduunku isku raacay 2022-kii, (Global biodiversity targets).

Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay dib ugu soo noolayn lahayd deegaanka iyo duunyada uu burburka weyn gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here