Guddoomiye Yabooh oo si Rasmi ah u soo Xiray Imitixaankii Fasalada 8-aad ee Dugsiyada Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
224

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo uu wehliyo taliyaha qaybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Macallin Mahdi ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray qaadista imtaxaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo sanadkan ay u fariisateen 35,307 arday oo ka kala tirsan 656 iskool oo dugsiyada Muqdisho ku yaalla ah.

Agaasimaha guud ee agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir, mudane Maxamed Yuusuf Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in ardayda loo soo xiray imtixaanka ay tiradooda u kala qaybsanto 19,766 wiil iyo 15,541 gabdha ah oo ay qaar ka mid ah yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo si guud uga qayb-galay imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir, waana sanadkii 5-aad oo uu maamulka gobolka Banaadir qaadayo imtixaankan.

Ugu dambeyn, afartii casho ee uu socday Imtixaanka lama soo warin rabshado dhacay, sidoo kale waxaa geeriyootay gabar ka mid ah ardayda, kaddib markii uu xanuun kusoo booday. Dhanka kale waxaa xabsiga la dhigay macallin ka mid ahaa ilaalada imtixaanka oo ku kaccay falal ka baxsan shaqadii loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here