Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa Maanta dhagax-dhigay waddo Interlock ah oo noqonaysa waddadii 6-aad oo laga hirgelinayo degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Marwo Seynab Maxamuud Xaabsey ayaa u mahadcelisay Bulshada Warta Nabadda doorka ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska iyo bilicda degmada, iyada oo xustay in dhawaan waaxda Barwaaqo ee noqon doonto waaxda degmooyinkeeda ay wada Interlock yihiin.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Bulshada Caasimadda iyadoo degmooyinka magaalada inay ka wada-qayb qaataan dib-u-dhiska iyo bilicda Caasimadda.