Faahfaahin: Qarax ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho

0
444

Ciidanka Dowladda Soomaalia ayaa toogtay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa,kadib markii uu u ku soo dhawaaday Injineerada Turkida ah ee dhisayay wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooge,taasoo keentat inuu isqarxiyo gobtii ay ku sugnaayeen ciidanka iyo Injineerada Turkida ah ee ku sugan deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 2- askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay qarax , Waxaana ku dhaawacmay 3-ka mid kamid ah shaqaalahaTurkiga, iyo afar Askari oo ka tirsan boliiska Haramcadka.

Dhismaha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan maraya halka loo yaqaan SoS, oo u dhaxeeyso Lafoole iyo Xaawo Cabdi, waxaana amaanka waddada sugaya Booliska sida gaarka ah u tababaran eeĀ  Haramcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here