Ra’iisul Wasaare Xamse: Xukuumaddu waxay xoogga saaraysaa Horumarinta adeegga Caafimaadka: SAWIRRO

0
384

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta  kormeer ku tegay Wasaaradda Caafimaadka si uu u kuur galo habsami u socodka howlaha ay qaranka ugu igman tahay  iyo qorsheyaasha horutabinta u leh, taasi oo ay saldhig u tahay isla xisaabtan iyo in bulshada loogu adeego si hufnaan leh .

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Mudane Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha tallaabooyinkii ugu danbeeyay ee loo qaaday xagga horumarinta hannaanka caafimaadka dalka iyo caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay Wasaaradda Caafimaadku u leedahay guud ahaan dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo daboola baahidooda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshada, dibna loo dhisi doono goobihii muhiimka ahaa ee dadweynaha Soomaaliyeed ka heli jireen adeegyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here