DANJIRE EL-AMINE: Waxaa la joogaa xilligii Cunno-qabateynta Hubka laga qaadi lahaa Somalia

0
146

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaliya, ahna madaxa hawlgalka ATMIS Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in saaxiibbada caalamku garawsadeen in la joogo xilligii cunno-qabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya.

Danjire El-Amine Souef ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir oo ay Muqdisho ku qabteen isaga iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac.

“Dhawaan waxaa fursad u helay in aan hadal ka jeediyo shirkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee xaaladda Somalia, waxaan iftiimiyay in la joogo xilligii saaxiibada caalamka oo QM ku jirto ay tahay inay taageero dheeraad ah siiyaan ciidanka xoogga dalka Somalia,” ayuu yiri danjire El-Amine Souef.

Danjiraha ayaa intaas ku daray: “Waxaan ku boorrinay saaxiibbada caalamka inay tixgeliyaan hawlgallada socda taageero dheeraad ahna siiyaan ciidamada DF Soomaaliya.”

Sidoo kale, Waxa uu sheegay in hadalkii uu jeediyay uu ku sheegay baahida loo qabo in la qaado cunno-qabateynta hubka iyo rasaasta ee saaran Somalia.

“Waxaan qirayaa in ciidamada Somalia ay hirumarro badan ku tallaabsadeen, ayna mydan yihiin in la garab-istaago,” ayuu hadalkiisa raaciyay Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Ergayga Midowga Afrika ayaa hadalkiisa ku daray: “Laba toddobaad ka hor waxa aan ka qaybgalay siminnaar uu soo qaban-qaabiyay xafiiska la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh, dhamaan saaxiibada caalamka waxay garwaaqsadeen in wax badan la qabtay, lana gaaray xilligii xayiraadda iyo cunno-qabteynta hubkaga laga qaadi lahaa Somalia.”

Wakiilka wuxuu sheegay in ka qaadista cunno-qabteynta hubka ee Somalia ay u oggolaaneyso ciidanka Soomaaliya inay ATMIS kala wareegaan amniga dalka marka ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2024-ka.

Gabagabadii, Dowladda Somalia ayaa dhaw jeer oo hore ka dalbatay QM in laga qaado cunno-qabateynta hubka si loo dhiso ciidamada xoogga dalka, isla markaana awood loogu yeesho in dalka laga xoreeyo Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here