Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wafdi ka socda dowladda Cumaan oo marti-qaad rasmi ah ka haysta maamulka G/Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.
Wafdigan oo uu hoggaaminaayo xoghayaha guud ee madxafka Qaranka Cumaan, mudane Jamaal Bin Xasan Bin Xuseen Al-Muuse, waxaaba qayb ka ah wafdiga, Abdul Wahab Bin Sulaiman Bin Muhammad Al Busaydi oo ku takhasusay arrimaha geeska Afrika, iyadoo lagu wado in ay kulammo la qaataan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Ugu dambeyn. Kulammada labada dhinac ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo ay ka mid yihiin; Soo nooleynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii dowladda Cumaan ay gacan ugu geysan lahayd dib-u-dhiska goobaha taariikhiga ah oo lagu yaqiinay boqortooyadii Siciid Barqash, taasoo qayb ka noqonaysa qorshaha soo nooleynta goobaha dalxiiska iyo dib-u-udhiska Caasimadda dalka ee Muqdisho.
















