Duqa Muqdisho oo ka Qayb-galay Duco loo sameeyay Shuhaddadii Qaraxii Aqalka Dowladda Hoose ee Sanadkii 2019-kii: SAWIRRO + VIDEO

0
413

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaga qayb-galay Qur’aan akhris iyo duco loo sameeyay shuhaddadii ku shahiiday musiibadii 24-kii July, 2019-kii ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ku geeriyoodeen; Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho, Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow), agaasimeyaal, la-taliyeyaal iyo guddoomiyeyaal degmo.

Xuskan oo ah mid la qabanayo sanadkii shanaad ayaa waxaa loogu duceeyay shuhaddadii dhacdadaas xanuunka badan ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay ee weli dadka iyo dalka u shaqeenaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here