Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shir heer wasiir ah oo looga hadlayay qorshaha xasillinta deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horrayn bogaadiyay ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee ay ka samaynayaan furimaha dagaalka oo ay ugu dambeeyeen CXD iyo daraawiishta Jubbaland oo dhawaan xoreeyay dhawr deegaan oo ka tirsan Jubbaland.
Ugu dambeyn, Shirka ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka xasilinta iyo hawlaha ka qabsoomay deegaannada la xoreeyay, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradaha ee ku aaddan sidii deegaanadaas loo gaarsiin lahaa adeegga kala duwan ee muhiimla ah sida; waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.














