Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo cuskanaya qodobbo ka mid ah dastuurka dalka, axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada dublamaasiyadeed gaar ahaan Qodobbadiisa12-aad iyo 41-aad oo qeexaya xeerarka dublamaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha dariska ah iyo qaab siyaasadeysan in aan loo adeegsan karin arrimaha dublamaasiyadda ee dowladaha ka dhexeeya.
Waxa ay Golaha Wasiirradu kasoo saareen qaraarkan faragelinta qaawan ee Itoobiya ay ku heyso arrimaha gudaha ee Somalia ay xadgudub ku tahay Qarannimada iyo madax-banaanida dalka Soomaaliya;
QODOBKA 1-AAD: XIRITAANKA QUNSULIYADAHA ITOOBIYA
1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.
2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.
QODOBKA 2-AAD: XADGUDUBYADA
1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.
QODOBKA 3-AAD: DHAQANGALKA
1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.
2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.













