Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyay Sharciga Shaqaalaha Soomaaliyeed

0
242

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya, kaasoo baarlamaanku ay ka doodayeen muddo dheer.

Hindisahan oo gacan tag lagu ansixiyay ayaa waxaa ogolaatay 138-xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday halka uu hal mudane ka aamusay.

Guddoomiyaha goalaha Shacabka ee BFS mudane, Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe) oo guddoominayay kulanka ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in uu ansax yahay xeerka ay maanta ansixiyeen xildhibaannada golaha shacabka.

Dhanka kale, xildhibaannada oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay in sharcigan uu kusoo xilli aad u wanaagsan, uuna yahay sharci dhawraya xuquuqda shaqaalaha rayidka ah ee DFS iyo shaqaalaha u shaqeeyay hay’adaha iyo shirkadaha kala duwan ee dalka ka hawl-gala.

Xildhibaan Aamino Maxamed Mursal ayaa tiri: “Wax badan ayaa laga soo maray sharcigaan, wax badana waa la sugayay, wax wanaagsan ayaan ka sugaynaa.”

Xildhibaan Sheekh Cali Xaaji ayaa isagana yiri: “Waa muhiim in ay xaquuq helaan shaqaalaha Soomaaliyeed, sharcigaanna waqti fiican ayuu kusoo aaday.”

Xildhibaan Nadra Saalax ayaa iyadana tiri: “Sharcigaan waxa uu quseeyaa shaqaalaha rayidka iyo kuwa gaar ka ah, in uu wax weyn soo kordhiyana waan rajaynaynaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here