Wasiirka Amniga Gudaha oo Tababar u soo Xiray Cutubyo ku biiraya Ciidanka Haramcad ee Xasilinta Caasimadda: SAWIRRO

0
221

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Somalia, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa tababar u soo xiray qaar ka mid ah ciidanka booliiska Soomaaliyeed, gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasillinta caasimadda.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasillinta caasimadda, ayaa waxa uu wasiirku ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen intii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.

Munaasabadda ciidanka tababarka loogu soo xirayay ayaa waxaa wasiirka amniga ku weheliyey taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Cabdullaahi Kaniif.

Ugu dambeyn, Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa kusoo beegnaysa iyadoo ay ciidanka amniga caasimaddu ay xoojiyeen hawlgallada lagu adkeynayo amniga, kaddib qarax khasaare badan geystay oo kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen Xeebta Liido ee Magalaada Muqdisho, taasoo si aad ah uga careysiisay dadka  Soomaaliyeed, tustayna in Khawaarijtu aysan kala jeclayn shacab iyo ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here