Sadio Mane oo ka tirsan iyo Leroy Sane oo kawada tirsan kooxda Bayer Munich ayaa ku dagaalamay qolka labiska ee kooxda, kaddib markii kooxda Jarmalka ay guuldarro kasoo gaartay Manchester City lugtii hore ee siddeed dhammaadka csyaaraha Champions League-ga, sida lagu sheegay warar Arbacadii ay qoreen warbaajinta Jarmalka.
Wargeysyada Bild iyo Sky Sports ee ka soo baxa Jarmalka ayaa soo wariyay in cayaaryahan Leroy Sane uu dhaawac ka soo gaaray mid ka mid ah faruuryihiisa, waxaana labada cayaaryahan la arkayay iyaga oo ku murmaya gudaha garoonka dhamaadkii cayaarta, waxaana soo dhexgalay saaxiibbadooda garoonka oo ku guuleystay inay mudanka joojiyaan.
Warbixin Jariidadda Bild ay arrintan uga hadashay ayay ku sheegtay in Mane oo kasoo jeeda waddanka Senegal uu ka carooday hadallo aan habboonayn oo uu ku yiri Leroy Sane oo ka cayaara garab kaddib guuldaradii 3-0 ee ka dhacday Etihad Stadium.
Ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Bayern Munich ee ka dhisan dalka Jarmalka.
Ugu dambeyn, guuldarradii Munich soo gaartay ayaa noqonaysa tii ugu wayneyd ee kasoo gaarta Champions League-ga tan iyo guuldaradii 3-0 ka ahayd ee 2017-kii kasoo gaartay Kooxda Paris St Germain ee ka dhisan Faransiiska.













