Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay shir u dhaxeeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadaha Somalia iyo Kenya, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; dib u furista xudeedda labada dal, fududeynta dal ku galka iyo qodobo kale.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Maxamed Sheekh Cali Doodisho, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir Maxamuud Nuur iyo dhiggooda dalka Kenya.
Kulanka oo socday saacado ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha socdaalka, furista xadka u dhexeeya labada dal, dardar-gelinta ganacsiga iyo guud ahaan amniga iyo xasiloonida deegaannada dhaca xudduuda labada waddan.
Xukuumadaha Somalia iyo Kenya ayaa ku wada heshiiytay; in muddo 90 maalmood gudahood ah lagu furo baraha xuduudaha Beled-xaawo iyo Mandera, Dhoobleey iyo Libooyo, Raas Kaambooni illaa Kiunga, iyaga oo isku afgartay in culayska ka jira helitaanka Fiisaha lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah.
Ugu dambeyn, Kulankan ayaa daba socda kulan ay yeesheen sanadkii hore July 15, 2022-ka Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaas oo daarnaa dib u furista xadka labada dal, oo xiran tan iyo 2011-kii, kaddib markii ay bateen weerarrada ay kooxda Al-shabaab ka geystaan gudaha Kenya.













