Guddoomiye Madaale oo ka Qayb-galay xaflad lagu abaal-mariyay degmooyin ku guuleystay Ololaha Xus oo Xaaqo: SAWIRRO

0
383

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu abaal-marinaayay degmooyinka ku guuleystay ololaha xus oo xaaqo oo loogu diyaar garoobayay toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Madasha abaal-marinta xus oo xaaqo waxaa kasoo qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, wasiir ku-xigeenka warfaafinta, wasiir ku-xigeenka diinta iyo awqaafta iyo marti sharaf kale oo u badanaa dhallinyaro aqoonyahanno ah oo door weyn ku lahaa ololaha xus oo xaaqo.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa lagu shaaciyay in kaalinta koowaad ay ku guuleysatay degmada Carmo, waxaana kaalinta labaad ee ololaha xus oo xaaqo ku guuleysatay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. halka kaalinta seddexaad ay ku guuleysteen degmada Baydhabo, iyada oo la guddoonsiiyay abaalmarinno lacageed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here