Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya: SAWIRRO

0
129

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaji Adan.

Kulanka ayaa loogu hadlay dardar-gelinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka gobolka Banaadir, iyada oo diiradda la saaray sidii Dowladda Hoose ee Xamar loogu soo wareejin lahaa mashruuca ‘Marwo Caafimaad’ si loo gaarsiiyo dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyada oo kor loo qaadayo wacyiga bulshada heerarkeeda kala duwan.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa loogu hadlay dadjinta dhismaha isbitaalka Laansareeti si wax looga qabto baahiyaha caafimaad ee bulshada ku dhaqan caasimadda iyo sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta adeegyada gurmadka deg-degga ah ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here