War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 24-ka Abriil, 2023 la xiray dhammaan goobaha lagu isticmaalo maandooriyaha nooxyadiisa kala duwan iyo waxyaabaha liddiga ku ah anshaxa, isla markaana aan ku wanaagsanayn qiyamka iyo akhlaaqda wanaagsan ee ummaddeena.
Bayaankaan oo uu ku saxiixnaa Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Madaale ayaa lagu sheegay in ciddii lagu arko iyadoo joogta goobahaas waxaa lala tiigsan doonaa sharciga, hawlgalladuna way socon doonaan.
“Goobaha laga soo dajiyo, lagu gado, laguna isticmaalo Mukhaadaeaadka waxaa loola dagaallami doonaa sida loola dagaallamo Khawaarijta,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Gobolka Banaadir uu soo saaray.
Dhanka kale, Bayaanka ayaa lagu xusay in labadii bilood ee lasoo dhaafay laga sameeyay degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir wacyi-gelinno ku saabsan dhibaarada uu ku hayo maandooriyaha da’yarteenna soo koraysa.
Ugu dambeyn, Hawlgallada looga hor-jeedo Mukhaadaraadka iyo goobaha lagu sameeyo anshax-darrada way sii soconayaan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.













